Maamulka Hirshabelle ayaa ka hor yimid go’aano kasoo baxay shir ay soo abaabushay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho.
Shirka oo maamul Goboleedyada dalka ka qeyb galeen ayaa qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare lagu sheegay in shirkaasi lagu soo bandhigay Barnaamij lagu takooraayo deggaano qaarkood sababo siyaasadeed iyo caadifad qabiil darteed, iyadoo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ay cadaysayin aysan la qaadanin, kana horjeedo go’aamadii ka soo baxay kulanka.
WAR SAXAAFADEED
Maanta oo ay taariikhdu tahay 15ka bisha Abril, 2019. Waxaa ka soo baxay wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaarka ah, war murtiyeed lagu sheegay in dhamaan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyadu ay laba maalmood ku lahaayeen magaalada Muqdisho kulan looga tashanayey fulinta mashruuca ka jawaabidda xilliga dhaw ee xaaladaha deg degga ah.
Dawlad Goboleedka HirShabelle waxay uga qeyb gashay shirkaa si niyad wanaag ah, iyadoo daneeyneysay in si cadaalad ah wax loogu qabto dhamaan dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo saameeyeen. Waxaan isku daynay inaan si niyad sami ah u tilmaanno qaladaadka iyo caddaalad darada ku jirta barnaamijka lasoo bandhigay, wasaaradda Gargaarka ee heer Federaalkuna iska indhatirtay.
Abaaraha iyo dhibaatooyinka Bani’aadamnimo waxay saameeyeen dhamaan waddanka oo dhan waxaana loo baahan yahay in si caam ah loo wajaho. Waxaa nasiib darro ah in Wasaaradda Gargaarka ee heer Federaal soo badhigtay Barnaamij aan ku salaysneyn xaaladda dhabta ah ee bani’aadamnimo ee waddanka ka jirta. iyadoo soo bandhigtay Barnaamij lagu takooraayo deggaano qaarkood sababo siyaasadeed iyo caadifad qabiil darteed. Haddaba waxay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, cadaynaysaa in aysan la qaadanin go’aamadii ka soo baxay kulankaas iyo arimaha ku saabsan mashruucaas.
Waxaan ugu baaqeeynaa Dowladda Federaalka ah in aan loo kala eexan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxan ugu baaqeeynaa Deeq bixiyeyaasha iyo dhamaan hay’adaha ka shaqeeya arimaha gargaarka inay masuul ka yihiin wixii cawaaqib xumo ah oo ka yimaada arrintaan, tixgeliyaanna mabda’a bani’aadamnimmo ee ah inaan dhibaato loo soo kordhin dad awelba tabaaleysanaa (DO NO HARM PRINCIPLE) Waxaan ugu baaqeeynaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer HirShabelle inay u gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, dhamaanna isku tashadaan si loo xaliyo dhibaatooyinka haysta. Wa Billahi Towfiiq