Sunday, June 22, 2025

Hoggaamiyihii Daacish oo lagu dilay weerar ka dhacay Syria (Sidee u dhintay Abuubakar Al-baqdaadi..? -Akhriso]

Warar ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in hoggaamiyihii kooxda khilaafada Islaamiga ee Daacish lagu dilay howlgal ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen magaalada Idlib ee dalka Syria.

Waxaa laga soo xigtay ilo ka mida wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegay in hoggaamiyaha Daacish ay sirdoonka Mareykanka heleen goobta uu ku sugnaa, kadibna ay weerar qarsoodi ah ku qaadeen, iyagoo adeegsanaya diyaarado helikobtar ah iyo ciidamo gaara oo ka tirsan kuwa Mareykanka halkaasoo qaabka uu dhintay ay wararku sheegayaan inuu isagu is qarxiyey.

Sida mas’uul ka tirsan Wasaaradda Difaaca Marykanka laga soo xigtay Abuubakar Albaqdaadi ayaa la sheegay inuu isagu is qarxiyey markii ciidamada Mareykanka ay goobtii uu ku sugnaa gaareen, waxaa sidoo kale is qarxiyey laba xaas oo uu qabay, sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka, kadib markii uu damcay inuu xaasaskiisa ula cararro dhinaca xuduudka Turkiga.

Ad

Madaxweyne Trump ayaa warbaahinta la hadli doona, isagoo ku dhawaaqaya geerida hoggaamiyihii Daacish iyo howlgalka Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen dalka Syria, wuxuuna bartiisa twitter-ka ku shaaciyey in arrin weyn uu ka hadli doono.

Waxaa la sheegay weerarka lagu dilay xubno ka mida qoyska Albaqdaadi iyo dad la socday, iyadoo jirka Hoggaamiyaha Daacish ay qaadeen ciidamada Mareykanka si loo hubiyo maadadda DNA-da, taasoo markii la xaqiijiyey ay soo baxeen wararka loo dusiyey warbaahinta Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON