Hoggaamiyaha Diiniga ee dalka Iiraan Ayatullah Ali Khomeini ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu yahay dagaal kiimiko ah oo dalkiisa lagu soo qaaday.
Bayaan qoraal ah oo uu soo saaray hoggaamiyaha ugu sareeya dalka Iran ayuu ku amray ciidamada dalkaasi inay u diyaargaroobaan si ay gacan ugu geystaan cudurka oo halakeeyay dalka Iiraan, wuxuuna dalbaday inay wada shaqeeyaan ciidamada dalkaasi iyo wasaaradda Caafimaadka.
“Waxaa jira caddeymo muujinaya inay suuragal tahay in cudurkan uu yahay weerar kiimiko ah, waxaana looga hortegi karaa difaac kiimiko ah..” ayuu qoraalkiisa ku yiri hoggaamiyaha Iiraan Ayatullah Ali Khomeini
Coronavirus ay dowladda Iiraan sheegay inuu dalkaasi ku dilay 429 qof iyadoo ay qabaan in ka badan 9000 qof oo ay ku jiraan madax sare iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi, laakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Iiraan ay qarineysa qasaaraha dhabta ha ee cudurka Coronavirus.
Wargeysyada reer Galbeedka ayaa qoray in Qabuuro dada badan lagu aasay lagu arkay magaalada QUM ee shiicada u barakeysan, iyadoo dad kumanaan ah oo cudurka u dhintay ay qarineyso dowladda Iiraan.