Thursday, June 26, 2025

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Firdhye oo ka hadlayay munaasabadii Calansaarka 26 June ee magaalada Laascaanood ayaa sheegay inuu maamulkiisu soo dhoweynayo dhammeystirka iyo wax ka bedelka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo ah sida uu yiri arrin ku cad dastuurka Federaalka.

Hoggaamiyaha Khaatumo wuxuu intaas ku daray in taaba gelinayaan Doorashada Qof iyo Cod-ka ee Madaxweyne Xasan Sheekh hormuudka u yahay, wuxuuna ku tilmaamay inay fursad weyn ugu jirto dadka SSC Khaatumo oo ay uga dhigan yahay afti ay ku diidayaan gooni u goosadka.

“Reer SSC-Khaatumo waa soo dhoweynayaan wax-ka beddelka Dastuurk, horena waa uga qeyb qaadanay, haddana diyaar ayaan u nahay. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku dhaqaaqay inuu dalku aadayo doorasho qof iyo cod.. caawa waxaa nala jooga Guddigii Doorashooyinka Qaran” ayuu yiri hoggaamiyaha Khaatumo.

Arrintan ayaa soo baxday iyadoo ay isla maanta magaalada Garowe war-saxafadeed ka dhan ah dowladda Federaalka kasoo saareen madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo ayaa si buuxda ugu xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya maamulka Siciid Deni ee Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON