Tuesday, July 8, 2025

Hoggaamiyaha & Madaxweynaha Ahlu Suna oo Nairobi kulamo kula yeeshay Wakiilo & Dowlado [Sawirro]

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda Ahlu sunna ee Gobollada Dhexe iyo madaxweynaha maamulka Ahlu suna oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo la yeeshay xubno kal duwan.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Mohamed ayaa qaabisay madaxda Ahlu suna oo ay ka wadahadleen xaaladda dib u heshiisiinta labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlu suna, waxaana sidoo kale Nairobi uga daba tegay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo kulan kale la qaatay.

IGAD oo qabanqaabisay wadahadal ay Nairobi ku yeelanayaan Ahlu suna iyo Galmudug ayaa culeys ku saareysa labada dhinac siiba Ahlu suna inay heshiis gaaraan oo isku biiraan, arrintaas oo Ahlu suna ay hore uga diiday dowladda Federaalka shir ka dhacay Muqdisho intii aan la dooran madaxweynaha Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wararka ayaa sheegay in qaar ka mida wakiilada beesha caalamka ay la kulmeen madaxda Ahlu suna, iyadoo rajo wanaagsan laga muujiyay heshiis dhex maray Ahlu Suna iyo Galmudug.

SAWIRRADA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON