Alshabaab ayaa shaacisay Go’aan culus oo ay ka qaadatay kooxda Daacish ee Soomaaliya, kadib go’aan ka soo baxay hoggaanka Sare ee Xarakada Alshabaab, sida uu sheegay afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage.
Bayaan ka soo baxay hogaanka sare ee ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay soo if baxday koox isugu yeertay Dowlada Islaamiga oo bilowday inay kala jebiso Mujaahidiinta, kana dhex abuuraan fitno iyo tafaraaruqna, waxaana ayna kooxda Daacish ku dhaqaaqday arrimo ay ka mid yihiin:
1- Inay baneysteen dhiigga Muslimiinta
2- Inay gaaleysiiyeen Mujaahidiinta iyo bulshada Muslimka
3- iyo inay jebiyeen midnimada Mujaahidiinta
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay wax badan indhaha ka laabteen dhibaatada ay kooxda Daacish waday, balse ay ka sii qaadeen madax adeyg, colaad iyo inay dulmigii ay wadeen ku sii taraxtagaan, wuxuuna ku eedeeyay inay ku caan baxeen beenta, ballan la’aanta, dhagar badan, amaanada khiyaana oo gaaleysiiya dadka cilmiga iyo jihaadka lagu yaqaano.
Alshabaab waxay kooxda Daacish ku eedeysay inay xiriir la leedahay mamullada dalka ka jira ayna gabbaad u yihiin jawaasiista, waxayna go’aan ku gaareen hoggaanka Alshabaab oo amar lagu siiyey ciidamada Alshabaab inay tallaabo adag ka qaadaan, kana hortagaan kooxda Daacish oo ay ku tilmaameen cudur dillaaga ah oo soo dhexgalay Jihaadka, xididadana u siibaan.