Tuesday, July 1, 2025

Hooyo Baraha bulshada lagu soo bandhigay cabashadeeda oo loo sii daayey wiilkii ka xirnaa (Cadaaladda Facebook)

Hooyo Soomaaliyeed oo cabashada wiilkeeda oo u xiran dowladda Soomaaliya lagu soo bandhigay baraha Bulshada iyadoo sheegtay in aragtidiisa lacag looga qaado ayaa maanta dib ula midowday wiilkeeda.

Arrintan oo si weyn loogu baahiyey Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook ayaa keentay inuu soo farageliyo Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya oo la kulamy hooyada, kadibna maanta ayey suuragashay in lasii daayo wiilkii oo la sheegay inuu ahaa askari qori la goostay oo muddo 4 sano ku ah dhammeystay Xabsiga Dhexe.

“Ilaahey SW ayaa mahad iska leh oo noo suura geliyey in aan maanta ku wareejino Maamo Luul Cusmaan wiilkeeda Xasan Cali Waxay nagu qaadatey mudo labo maalin ah si loo soo dhameestiro habraacii lagu deyn lahaa oo sharci ah. Xuseen Cali waxaa ku maqnaa hanti Qaran waxaana bixiyey dad muxsiniin ah.” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda oo farriinta sii deynta wiilka maxbuuska ahaa ku faafiyey facebook.

Tan iyo intii ay xilka la wareegtay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo Baraha bulshada ayaa noqday meel u ay cabtaan dadka dhibaateysan ee cadalaadda darrada heysato, iyadoo markaas kadib ay qaar ka mida madaxda sidaas wax ugu qabtaan, taasoo dadka qaarkeed u bixiyeen CADAALADDA FACEBOOK loo raadsado.

Image may contain: 1 person, indoor
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON