Hooyada dhashay Gabadhii u shaqeyneysay NISA ee Ikraan Tahliil Faarax ayaa gaashaanka u dhufatay warka kasoo baxay NISA ee ah inay Alshabaab dileen.
Qaali Maxamuud nolol iyo geeri dusha u saartay Hay’adda NISA iyo agaasimaheeda Fahad Yaasiin, waxayna meesha ka saartay inay Alshabaab dileen Gabadheeda, taasina ay hubto, sida ay tiri.
Waxay intaas ku dartay in Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ay “ku raadganayso warkaas, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay. NISA ayaa mas’uul ka ah haddii la dilay iyo haddii ay nooshahay, Fahad ayaana loo heystaa adduun iyo Aakhiro” ayey tiri Qaali Maxamuud.
Warka Hay’adda NISA kasoo saartay dilka Ikraan Tahliil ayaa kiciyey baaqyo iyo buuq fara badan oo hareeyay kiiskan iyo baraha bulshada, iyadoo su’aalo badan la iska weydiinayo sida wax udhaceen.
Ma jirto faahfaahin ay NISA ka bixisay sida ay Ikraan ugu gacan gashay Alshabaab iyo cidda ka dambeysay ama gacan ku siisay, laakiin waxay xaaladu gaartay in Hay’addii Sirdoonka lagu tuhmo inay la shaqeyso Alshabaab.
