Ciidamada Xoogga Dalka iyo Maleeshiyada Deegaanka ee Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay saddax Horjooge oo ka tirsan Khawaariijta Alshabaab.
Xubnahan oo degaankaasi ku dhuumaaleysanayey ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal laga fuliyay degaanada Hul-caduur iyo Xalaneey, waxayna horjoogayaasha Alshabaab ee gacanta lagu dhigay kala yihiin:
1- Shire Cabdi Maxamed
2- Cali Abgaaloow
3- Maxamuud Calasoow
Horjoogayaashan ayaa Alshabaab mas’uul uga ahaan uruurinta Xoolaha Zakada ee Alshabaab ka qaadato degaanada ay ka taliso, waxaana lasoo bandhigay Gaarigii uu lahaa Horjooge Shire Cabdi oo hore loo qabtay, isagiina gacanta lagu dhigay.
