Tuesday, June 24, 2025

Horjooge Caan ka ahaa Gobolka Bakool oo kooxda Alshabaab looga dilay Degmada Waajid

Horjooge ka tirsan kooxda Alshabaab oo u qaabilsanaa Gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Waajid ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay duleedka degmada Waajid.

Wararka ayaa sheegaya in howlgal u fuliyeen ciidamada Darwiishta maamulka K/Galbeed ay ku dileen horjooge lagu magacaabi jiray Macalin Deerow iyo iyo koox maleeshiyo ah oo la socotay, iyadoo uu ninkaasi ahaa madaxa koontaroolo lagu go’doomiyey Waajid oo gaadiidka taga Waajid jidka u geli jiray.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eeley) ayaa sheegay inuu  horjooge Macalin Deerow uu Alshabaab u qaabilsanaa Waajid iyo degaanada ku xeeran isagoo dhibaato ku hayey dadka degaanka, iyadoo la dilay isaga iyo shan maleeshiyo ah.

Talaabadan ayaa wuxuu wasiirka amniga Koonfur Galbeed uu ku sheegay in ay qeyb ka tahay howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada nabadiidka Alshababa,kuwaasi oo ay iska kaashanayaan Darwiishta Koonfur Galbeed iyo Militariga Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON