Horjoogahan oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ku sugan duleedka magaalada Kismaayo, deegaanka Baar Sanguuni.
Horjoogahan ayaa sheegay inuu kasoo goostay degmada Jamaame, waxaana lagu magacaabaa Sharma’arke Cabdinaasir Axmed, isagoo sheegay in inuu Alshabab u qaabilsananaa weerarrada, kana mid ahaa muddo10 sano ah kooxda loo yaqaan jugta culus ee fulisa weeraradda waaweyn; isagoo goostay inuu isaga tago Alshabaab, taasoo jid dheer uu maray si uu u gaaro Baar Sanguuni
Afhayeenka wasaaradda Amniga ee maamulka Jubbaland Cabdi Nuur Mooge ayaa fariin u diray dhalinyarada ka tirsan Alshabaab inay isaga baxaan, wuxuuna ku bogaadiyey Sharma’arke C/naasir go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay.


