Saturday, April 20, 2024

Horjooge ka tirsan Alshabaab oo isu dhiibay ciidamada Dowladda, laguna soo bandhigay.. [Sawirro]

Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabab ayaa isu dhiiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degnada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Mas’uuliyiinta degmada Diinsoor ayaa sheegay in horjooge Ibraahim Manuur Cusmaan uu muddo 9 sano ka mid ahaa Alshabaab, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha hoggamisa dagaallada ay Alshabab ee gobollada Bay iyo Bakool, haddana uu go’aansaday inuu isaga haro, isagoo isu dhiibay Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Shiine Mayow Aadan iyo Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa si wadajir ah u sheegay in xiriir uu la soo sameeyay Horjoogahan,islamarkaana ay soo dhoweeyeen.

Ad

Horjooge Ibraahim Manuur Cusmaan ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney cafiyaan,sheegeyna inuu ka tanaasulay fikirkii qaldanaa ee Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON