Sunday, June 22, 2025

Horjoogey ka tirsanaa Alshabaab oo la qabtay iyo Nin 10 sano ka mid ahaa oo ka goostay

Horjooge ka tirsan Alshabab ayaa lagu qabtay Gobolka Jubbada Hoose ee mamulka Jubbaland, kaasoo u qaabilsanaa Miinooyinka.

Ciidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 5-aad guutada-16 ee oo howlgal ka sameeyay degaanada kala ah Yaaq Bishaar, Buulo-xaaji, Kaam-jirroon iyo Warta Biloow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa Miinooyinka.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Cabdullaahi Abshir (Abuu Faaruq), waxaa l asheegay inuu ahaa ninka miinooyinka wadooyinka geliya ee halista geliyay dadka, ciidamada iyo gaadiidka kale.

Ad

Howlgalkan ayaa la sheegay in sidoo kale lagu dilay laba ka tirsanaa Malleeshiyada Al-shabaab, waxayna Ciidamadu kasoo saareen Miinooyin ay dhulka ku aaseen Alshabaab, sida uu warbaahinta Dowladda Taliyaha Ururka 5-aad, guutada 16-aad eev kumaandooska Danab, Taliye Carab Dheeg Axmed.

Dhinaca kale nin 10 sano Alshabaab ka mid ahaa ayaa maanta isu dhiibay ciidamada dowladda ee k usugan magaalada Buulobute ee Gobolka Hiiraan, isagoo sheegay inuu ka xumaaday hab-dhaqanka Alshabaab.

Saraakiisha Ciidamada iyo maamulka degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa soo dhoweyn u sameeyayMaxamed Cabdi Jimcaale oo kasoo goostay Al shabaab, kadib muddo ka badan 10 sano oo uu darawalnimo ugu shaqeynayay.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON