Hoteelada magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay fuliyaan amarka wasaaradda amniga Soomaaliya iyagoo diiday in lagu qabto shirar aan fasax loo heysan.
Hoteelo dhowr ah ayaa fuliyey amarkaasi, iyadoo xildhibaanno doonayay inay ku shiraan Hotelka SYL oo shirkaasi loo diiday ay markii dambe aadeen xarunta Villa Hargeysa ee fadhiga guddoonka Baarlamaanka oo dhex taalla Villa Somalia.
Hoteelo kale ayaa qaaday tallaabooyinkan oo kale iyagoo odayaal iyo siyaasiyiin doonayay inay shirar ku qabsadaan lagu wargeliyay inay fasax ka soo qaataan Wasaaradda Amniga, arrintan oo sii cakirtay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan caasimadda Muqdisho.
XIldhibaannada beesha H/Gidir kasoo jeeda ayaa olole ugu jiray inay xildhibaannada kale ku qanciyaan taageero ay siiyaan si looga hortago dowladda Federaalka oo bilowday inay maxkamadeyso siyaasiyiin kasoo jeeda beeshaasi.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii ciidamada ammaanka ay xalay gurigiisa ka qabteen siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u xiran, laguna eedeeyay qarandumis.