Monday, July 14, 2025

Hotelkii Ritz-Carlton ee Xasbiga looga dhigay Amiirada & Maalqabeenada Sacuudiga oo dib loo furay [Sawirro]

Hotelka Ritz-Carlton ee magaalada Riyaad ee caasimadda Sacuudiga ayaa dib loogu furay kadib saddex bilood kaddib markii uu noqday xabsi heer sare ah oo lagu hayo amiirrada iyo rag tujaar waaweyn ah.

Hotelka oo ku caan baxay ololaha Amiirka dhaxalsugaha Sacuudiga ee Musuq-ladirirka ayaa hoy u ahaa Amiiradii iyo Maalqabeenadii caanka ahaa ee Sacuudiga oo lagu baarayay markii hawlgalka ballaaran lagu qaaday musuqmaasuqa dalkaas.

Hoteelka Riyaad ee Ritz-Carlton waa erayga ugu dambeeya ee taajirnimo lagu sheegi karo. Waa qasri ka samaysan dhagxaan qurux badan oo dhalaalaya, nalal waaweyn, beero, iyo qolal raaxa badan.

Hoteelka Ritz

Dhowaanahan waxaa uu ahaa sidii xabsi aan aad loo jeclayn oo ay ku jireen boqollaal qoyska reer boqor ah iyo maalqabeenno waaweyn oo musuqmaasuq lagu tuhunsan yahay. kaddib waraysiyo lala yeelanayey muddo bilooyin ah mas’uuliyiyiintu waxay sheegeen inay dadkaas ka soo xareeyeen lacag ka badan hal bilyan oo dollar martidan gaarka ah ee ku jirtay Hoteelka Ritz.

Laakiin baaritaankii haatan waa uu dhammaaday. Hoteelkii dib ayaa loo furay . Marka aad nalalkiisa hoos joogtid waxay u ekaan doontaa in wax waliba caadi ku soo noqdeen sidii iyadoo aanay waxba dhicin oo kale.

Riyadh Ritz Carlton

Hoteelka Amiirada ay ku xirnayeen

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON