Hay’adaha amniga dowladda Federaalka ayaa kulan ka yeeshay xaaladda magaalada Muqdisho, kadib weerarkii Alshabaab ku qaaday Jimcihii xarumaha Madaxtooyada iyo NISA ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegay in kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa ka qeyb galay wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha Booliska, Taliyaha NISA iyo Saraakiisha AMISOM looga dooday xaalad cusub oo amni ah oo lagu soo rogayo magaalada Muqdisho.
Kulanka kadib ayaa la sheegay in magaalada ay Caawa ka bilaabanayaan howlo xoojin amni ah iyo baartitaanno xoog leh oo ay fulin doonaan ciidamada xasilinta, Booliska, Birmadka iyo NISAÂ oo kaashanaya AMISOM.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ku amray ciidamada xasilinta inay xoojiyaan ammaanka Caasimadda, isagoo digay isku dhac ciidamada dhexdooda ah oo yimaada inta ay socdaan howlgallada.
Wasiirka Amniga Maxamed Islow Ducaale aya isna kula dardaarmay Ciidamada ammaanka inay dardar geliyaan howlgalada amniga, lagana hortago weerarada caddowga, waxaana hay’adaha amniga la sheegay inay qaadayaan howlgallo lagu sugayo amniga.