Ciidamada Amaanka Maamulka Galmudug iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku usgan degmada Cadaado ee oo ah xarunta maamulkaasi ayaa maalintii labaad halkaasi ka wada howlgallo lagu sugayo ammaanka magaalada kadib weerar ka dhacay 20-kii bishan.
Wararka ka imaanaya Cadaado ayaa sheegaya in laga war helay in magaaladaasi ay ku dhex jiraan maleeshiyo taageersan maamulka Ahlu suna ee gobollada dhexe, waxayna maleeshiyadaas oo aan badneyn habeenkii Jimcaha weerar ku qaadeen xarun ay degan yihiin ciidamada nabadsugidda ee magaalada Cadaado.
Howlgalka ka socda Cadaado ayaa lagu sheegay in lagu ururinayo hubka sharci darrada ah, iyadoo la soo rogay amar ah inaan hub lagu dhex wadan karin magaalada, taasoo u muuqata in lagu baadi goobayo maleeshiyada taabacsan Ahlu suna ee magaalada ku jirta.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]