Howlgal duqeyn ah oo xalay 9 Janaayo 2023, ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe ayaa lagu dilay tiro badan oo ka mida maleeshiyada Alshabaab, laguna gubay Gawaari siday waxyaabaha qarxa.
War ay fafaisay warbaahinta dowladda aya lagu sheegay 61 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay tiro kalana lagu dhaawacay hawlgal qorshaysan oo Saaxiibada caalamiga ah iyo NISA ka fuliyeen Beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hawlgalkan ayaa la sheegay in lagu beegsaday maleeshiyaad lagu qiyaasay 150 xubnood oo doonayay in ay weeraraan Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamad degaanka ee ku sugnaa Xawaadlay iyo Gaadiid ay qaraxyo ah kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen Beero dhexdooda.
Sidoo kale, Labo gaari oo ahaa nuuca Homey iyo Noah oo ay ku xireen waxyaabaha qarxa kuwaas oo ay qorshaynayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa lagu burburiyay howlgalka.
Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay qasaaraha weerarkan cirka ah iyo howlgalka ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe, balse Taliska AFRICOM e Mareykanka ayaa soo saara war-saxaafadeedyo ka duwan kuwa kasoo baxa dowladda Soomaaliya.
