Ciidanka kumaandooska Danab iyo kuwa AMISOM ayaa saaka la wareegay egaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay a talin jireen ururka Al-shabaab.
Weerarka oo dhacay saaka aroortii ayaa wararku sheegayaan in Ciidanka Danab oo garab ka helaya Ciidamo Mareykanka ah ay la wareegeen degaanda: Degaanada Awdheegle iyo Mubaara iyo degaanada la xiriira sida saldhigii weynaa ee Alshabaab degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada huwanta ayaa iska caabin kala kulmay Tuulada Ugunji oo u dhow degaanka Janaale, wuxuuna dagaal kooban dhexmaray Ciidanka Millitariga iyo ururka Al-shabaab. Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen degaano dhowr ah ayna weli socdaan.
Ciidamo kala duwan ayaa ku biiray howlgalka oo kala tegay Garoonka Diyaaradaha Balidoogle iyo magaalada Muqdisho. Qasaaraha dagaalka ayay dadka degaanka sheegeen inay arkeen Afar ka mida maleeshiyada Alshabaab oo dagaalkii maanta ku dhintay.