Friday, July 11, 2025

Howlgallo ciidamada xasilinta ku qaadeen degmooyinka Shibis & Xamarweyne oo dad lagu qabqabtay

Howlgallo ay ciidamada xasilinta ka fuliyeen degmooyinka Shibis iyo Xamarweyne ayaa lagu soo qabtay dad fara badan oo amni darro looga shakiyey.

Howlgalka ayaa ka danbeeyay kadib markii xalay Bam gacmeed lagu weeraray ciidamo ka tirsan NISA oo ku sugnaa degmada Shibis iyo weerar kale oo lagu dilay guddoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Xamar weyne.

Gudoomiye ku xigeenka dhinac amnigaiee maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in ciidamada ay howlgalka ku qab qabteen dhalinayaro fara badan oo loogu shakiyay inay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab oo baaritaano lagu sameyn doono isla markaana dib Warbaahinta ay kala wadaagi doonaan wixii ka soo baxa baaritaanadaasi.

Waxaa Magaalada Muqdisho sii xoogeystay maalmihii dambe falal amni darro ah xilli ay madaxda sare iyo xukuumadda ku mashquuleen Mooshin iyo xiisad siyaasadeed ee ka dhex taagan Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON