Howlgallo ka socda Bosaso iyo Shaqadii Dekadda Magaalada oo Maalintii labaad xiran

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso oo shalay lagu dilay agaasimihii shirkadda maamusha dekadda Boosaaso ee P&O ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya inuu howlgal amni ka socdo magaalada.

Waxaa maalintii labaad xiran Dekedda Boosaaso, iyadoo aysan ka socon wax shaqo ah, kadib dilkii agaasimaha dekadda Paul Ramafosa, waxaana xiran qeybta Dekedda ee ay maamulaysay Shirkadda P&O, inkastoo ay shaqeyneyso qeybta cashuuraha wasaaradda Maaliyadda Puntland, iyadoo badeeco laga bixin lahaa dekadda ay xayiran tahay.

Ad

Howlgalkan ciidamada amniga ka wadaan magaalada Boosaaso ayaa ah mid xoog leh,waxaana ciidamo fara badan la geeyay konrotoolada laga soo galo Magaalada Boosaaso, waxaana baaritaan lagu hayaa dadka soo gelaya iyo kuwa ka baxaya magaalada.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa amarro uu soo saaray shalay ku faray ciidamada amniga inaan wax naxariis ah loo gelin dadkii ka danbeeyay iyo kuwii gacanta siiyey dadkii ka danbeeyay dilkii agaasimaha dekadda Boosaaso ee dekadda P&O oo ay leedahay shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

127,988FansLike
1,143FollowersFollow
3,340FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!