Wednesday, June 25, 2025

Hub laga badbaadiyey Kolonyadii AMISOM ee lagu weeraray Duleedka Balcad oo lagu wareejiyay Ciidamada Burundi [Sawirro]

Ciidamada AMISOM ee magaalada Jowhar ayaa lagu wareejiyey hub ay soo badbaadiyeen ciidamada dowladda Federaalka kadib weerarkii gaadmada ahaa ee lagu qaaday jimcihii ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad.

Wareejinta hubka waxaa goobjoogak ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare u mahadceliyay gurmadii ciidamada dowlad goboleedka Hirshabelle u fidiyeen ciidamadii la weeraray ee  AMISOM.

Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabelle Col. Xasan Dhicisow waxana uu sheegay in gurmad ay sameeyeen ciidamada booliska iyo kuwa Milatarigaba ay ka soo qabteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay goobta tageen iyadoo maleeshiyadii Alshabaab ay joogaan goobtii dagaalku ka dhacay, ayna kasoo badbaadiyeen qaar ka mida qoryihii ku xirnaa hubka ay AMISOM wateen.

Hubka la wareejiyay ayaa isugu jiray laba Qori nooca Dhashiike ah, kuwaasoo laga soo furay Gaadiidka gaashaaman ee AMISOM oo ay gubeen Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON