Urur Goboleedka IGAD ayaa wada qorshe lagu doonayo in shirkii maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo wareejiyo magaalada Muqdisho.
Qorshahan oo ay hor kaceyso Itoobiya ayaa lagu raali gelinayaa odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan qaarkood oo uu hormuud u yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, kaasoo ka biyo diiday inuu tago Jowhar laakiin ogolaaday in Muqdisho lagu qabto shirkaasi.
Ergey ka socda Itoobiya ayaa Ugaas Xasan dhowaan kula shiray magaalada Beledweyne, waxaana qorshahan la sheegay inuu ogoaladay Ugaaska.
Afhayeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Daa’uud Xaaji Cirro ayaa qaadacay in shirkii maamul u sameynta labada gobol loo raro magalada Muqdisho, wuxuuna ku adkeysatay in shirku ka furan yahay Jowhar, horena madaxweyne Xasan Sheekh u furay, ayna joogaan odayaashii beelaha intooda badan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlin shirkaasi, waxaana howshaasi qaabilsan wasaaradda arrimaha gudaha oo hore u sheegay la kaashaneyso IGAD sidii horumar looga gaari lahaa arrintan.
Goobjooge.com