Wakiilka cusub ee urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay tegay magaalada Muqdisho.
Egeyga cusub oo u dhashay dalka Kenya Maxamed Cali Guyo waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay ka wadahadleen sidii uu ergeyga howshiisa u bilaabi lahaa.
Kulanka waxa goobjoog ka ahaa wakiilkii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, xoghayaha guud ee Urur Gobolleedka mudane Maxbuub Macalin iyo xubno kale.
Wakiilka cusub ayaa sheegay inuu kala shaqeyn doono xukuumadda Soomaaliya dhinacyada dib u heshiisiinta iyo dowladnimada.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa ugu hambalyeeyey danjire Dr. Maxamed Cali Guyo xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo sheegay la xoojiynao wadashaqeynta labada dhinac.
Goobjooge