Sunday, July 13, 2025

IGAD oo ka digtay Duufaan cusub oo ku soo fool leh Xeebaha W/Bari ee Soomaaliya [Daawo Saadaasha]

Urur goboleeedka IGAD ayaa ka digay duufaanno cusub oo kusoo fool-leh xeebaha waqooyi Bari ee Puntland iyo xeebaha kale ee  ku dhow, dalka Soomaaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay Xarunta Saadaasha Cimilada ee urur-goboleedka IGAD ayaa digniin ka bixisay waxa ay ku tilmaantay xaaladda isa sii taraysa ee duufaanno ka soo kacaya gudaha badweynta hindiya, kuwaasoo khatar ku haya qaar ka mid xeebaha Puntland.

Khubarada ku xeeldheer saadaasha cimilada ee xarunta saadaasha cimilada IGAD ayaa sheegaya in duufaanadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Yeman abbaaraha 26ka May 2018 oo berrito ah.

Qaybo ka mid ah duufaannadan ayaa oo ay la socdaan daruuro iyo roob ayaa la saadaalinayaa inay ku dhufan doonaan xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay IGAD, iyadoo wadarta biyaha roobabkaasi lagu qiyaasay 30 mm.

Dad ku dhow 50 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen roobabkii duufaanta watay ee toddobaadkan horraantiisii ku dhuftay gobollada Awdal iyo Salal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON