Urur Goboleedka IGAD ayaa ku soo biiray oo qeybaheeda hoos yimaada ku darstay qeyb qaabilsan la-dirirka argagixisada, waxaana xarun cusub laga furay magaalada Jabuuti.
IGAD ayaa shaacineysa istaraatiijiyad lagu mideynayo la-dagaalanka iyo ka hortagga argagixisada, taasoo la sheegay in looga jawaabayo halista ay la kulmaan dalalka xubnaha ka ah IGAD ee ka imaaneysa kooxaha argagixisada.
Furitaanka xarunta ICEPCVE ee ka hortagga argigixisada ee laga furay xarunta ururka ee Djibouti. Xarunta oo kaashaneysa dowladaha IGAD, Dhalinyarada, Culimada, Ganacsatada iyo dhammaan qeybaha bulshada ayaa la sheegay inay xoogga saarto la-dagaalanka kooxaha argigixisada ee ka jira dalalka IGAD.
Arrimahan waxaa garab socday shir kale oo IGAD uga socday afartii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Kampala, waxaa ka qeybgalay madax ka socotay dalalka Somalia, Uganda, Kenya, Sudan, South Sudan, Djibouti, Ethiopia iyo Eritrea, shirka ayaa looga hadlay sidii loo fududeyn lahaa isu gudbidda iyo dhaq-dhaqaaqa dadka ku nool dalalkaasi.