Sunday, July 13, 2025

IGAD oo yaab leh uga hadashay Xaaladda Galmudug & Beesha Caalamka oo ku kala qeysan Doorashada QoorQoor

War-saxaafadeed kasoo baxay urur Goboleedka IGAD ayaa looga hadlay xaaladda Galmudug iyadoo aan lagu soo qaadin soo dhoweynta Doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Qoraalka IGAD ayaa lagu sheegay inay la socotay xaaladda maamul sameynta iyo Doorashada Galmudug ayna ka mid ahayd howsha ay u xil saaran tahay ee Soomaaliya, waxaana lagu soo qaaday heshiiskii dalka Jabuuti ka dhacay ee lagu mideeyay Ahlu suna iyo Galmudug iyo dadaalkii ay dowladda Federaalka ee keenay in maleeshiyadii Ahlu suna lagu daro ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxaa qoraalka IGAD lagu bogaadiyey dadaallada ay sameeyeen dhammaan dhinacyada kala duwan ee Galmudug ee lagu doonayo Galmudug mideysan oo xasiloom, waxaana tallaabo muhiim ah lagu tilmaamay in Ahlu suna qeyb ka noqoto Baarlamaanka Galmudug, waxayna IGAD caddeysay inay la socotay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Dhuusamreeb.

Qoraalka laguma soo qaadin madaxweynaha la doortay ee Galmudug, ama jirin hambalyo ay u diray, laakiin waxaa dhinacyada Galmudug loogu baaqay inay ka fogaadaan qalalaase iyo gacan-ka-hadal, ayna wadahadal u maraan xailinta farqiga u dhaxeeya.

Qoraalka IGAD ayaa ka dambeeyay Wararka ayaa sheegaya degdeg oo maanta kasoo baxay safaaradda Maeeykanka, kaasoo hambalyo loogu diray Madaxweynaha la doortay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaana muuqata in beesha caalamka ay arrintan isku mowqif ka ahayn.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA IGAD

Qoraalka la sheegay inuu IGAD kasoo baxay ayaan weli la xaqiijin, iyadoo baraha bulshada iyo website-ka IGAD aysan lagu soo qorin War-saxaafadeed ku saabsan Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON