Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay hakad galineyso fulinta heshiiskii Nuclear-keeda, kadib markii uu sii kordhay cadaadiska uga imaanaya dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Iiraan Hassaan Rouhani ayaa sheegay inuusab iib geyn doonn macdanta Uranium-ka ee la tayeeyay, halkii uu heshiisku ahaa inay dibadda u iib geyso Iiraan, wuxuuna intaasi ku daray inuu muddo laba bilood ah u qabtay dalalka Yurub inay fuliyaan heshiiska, kana soo baxaan ballanqaadkoodii, haddii kale ay Iiraan ka bixi doonto heshiiskaasi.
Mareykanka ayaa ka baxay heshkiiskii 2015-kii ay dalka Iiraan la gaareen dalalka Yurub iyo Mareykanka, wuxuuna ku soo rogay xaryiraad dhaqaale, iyadoo dalalka caalamka culeys ku haya inaysan iibsan shidaalka Iiraan, waxayna tani keentay xaalad adag oo Iiraan soo wajahday, iyadoo dalalka Yurub oo la rabay inay dhinacooda fuliyaan heshiiska ay ka gaabiyeen.
Faransiiska iyo Jarmalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay sii joogteynta heshiiska, isla markaana uu ka fekerayo qaab ay dalalka Yurub ku caawin karaan dhaqaalaha Iran ee ay saamaysay cunaqabateynta Maraykanka. Haseyeeshee, wasiirka gaashaandhigga Faransiiska, Florence Parly, ayaa Iran uga digtay ka bixitaanka heshiiska.
Mareykanka ayaa Markab dagaal oo weyn u diray khaliijka, waxaana liiska argagixisada uu ku daray ilaalada Jamhuuriga Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo in iska hor imaad milateri uu ka dhaco biyaha Khaliijka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaxweyne Trump uu goor dhoweyd soo saaray amarro cusub oo xayiraad cusub lagu saarayo dalka Iiraan.