Maamulka Garoonka Diyaaradaha ayaa galabta galay qas iyo jahawareer ay dhaliyeen ilaalada madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ka soo degay Garoonka.
Ilaalada C/weli Gaas oo ka kooban horin ayaa aalaaba u raaca safarada uu ku yimaada Muqdisho, laakiin xaaladii maanta ka dhacday garoonka Aden Cadde waxay ahayd mid ka duwan safaradiisii hore taasoo ugu wacneyd inay markii ay shir galeen C/weli Gaas iyo wafdigii xukuumadda Soomaaliya ee soo dhoweeyay.
Ilaalada ayaa xiray qeybo ka mida gudaha garoonka, waxaana dhacday in maamulka garoonka uu arrintaasi cabasho ka gudbiyay iyadoo aan la ogoleyn inay ciidamo hubeysan gudaha u galaan garoonka.
Xaaladda Garoonka Muqdisho ayaa isu bedeshay goob ciidan siiba qeybta VIB-da iyo duulimaadyada gudaha oo ilaalada C/weli Gaas ay ku sugnaayeen in muddo ah iyagoo jeeni qaaran qoryaha AK 47.
Fowdada ay ciidamada ilaalada madaxweynaha maamulka Puntland ka sameeyeen Garoonka Muqdisho waxaad ka arki kartaa sawirrada hoose:
Goobjooge.com