Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa fal dil ah kula kacay askari la sheegay inuu ka tirsanaa isla ciidamada dowladda.
Askarta ilaalisa madaxooyada oo fara badan ayaa la soo dhoobay agagaarka Hotelka shalay la qarxiyay ee SYL iyo wadadda Maka Almukarama ee hormarta waxaana halkaasi gebi ahaanba laga joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Askarta oo si weyn u feejigaan ayaan la ogeyn in loo sheegay falal amni darro oo cusub iyo in tani ka danbeysay weerarkii shalay, waxaana laga dareemay xaalad kacsan.
Caadiyan ciidamada dowladda ayaa ku dhaqaaqa howlo lagu xoojinayo amniga mar kastoo ay qaraxyo waaweyn Alshabaab geystaan, waxaana ciriiri la geliyaa isu socodka dadka iyadoo aanay taasi wax badan ka tarin sugidda ammaanka.
Goobjooge.com