Friday, July 18, 2025

Ilaalada Xildhibaanad ka tirsan Barlamanka oo dil ka geystay Muqdisho [Askartii oo la qabtay]

Ilaalada mid kamida xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa dil dhimasho iyo dhaawac ka geystay magaalada Muqdisho.

Askarta ilaalada u ahaa Samra Ibraahim Cumar ayaa rasaas ku furay bannaanbaxayaal ku soo qamaamay meel u dhow Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho oo bannaanbax rabshado wata ay ka socdeen.

Ilaalada Xildhibaan Samra ayaa dilay laba qof iyadoo dhaawacay laba qof oo kale, waxaana goobta tegay ciidamada oo gacanta ku dhigay askartii falkaasi geysatay.

Xildhibaan Samra oo warbaahinta gudaha la hadashay inaysan wax lug ah ku lahayn iyada iyo ilaaladeeda dilka ka dhacay magaalada Muqdisho, arrintaasina ay kala caddeyn doonaan hay’adaha ammaanka.

Ilaalada madaxda dowladda ayaa ku kaca falal soo noqnoqday oo ay ku waxyeeleen dad shacab ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON