Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fal dil ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa waxaa geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaalo u ahaa xildhibaan ka tirsan Aqalka sare, kaasoo saarnaa gaariga lagu waday xildhibaanka oo lagu magacaabo Xuseen Cali Xaaji.
Ninka la dilay ayaa waday gaari yar oo nooca raaxada ah, waxaana askariga ilaalada u ahaa xildhibaan uu rasaas ku furay markii uu ka shakiyay kuna dhowaaday gaariga uu saarnaa xildhibaanka, iyadoo falkan uu ku dhacay Isgoyska Dabka.
Ninka la dilay ayaa la ogaaday inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada booliska, waxaana uu dilka kadib ka baxay jidka uu ku socday isagoo dhaawacay laba qof oo shacab ah.
Dhinaca kale maamulka Gobolka Banaadir ayaa Mootooyinka Bajaajta ka mamnuucay inay habeenkii adeegsadaan wadadda Maka Almukarama ee caanka ah, taasoo la sheegay in arrimo amaan loo joojiyay.
Goobjooge.com