Tuesday, June 24, 2025

Ilhaam Cumar oo jawaab ka bixisay fadeexad laga faafiyay nolosheeda gaarka ah

Haweeneyda Soomaaliyeed Ilhaan Cumar oo ah ee dhowaan guusha kasoo hoysay doorashadii degmada 60B ee Minneapolis, una sharxan inay kursiga mudane ee degaankaasi ku guuleysato ayay daba dhigatay warbaahinta Mareykanka kadib markii laga faafiyay fadeexad ku saasban guurkeeda.

AKHRISO: Fadeexad ay Soomaali ka danbeyso oo laga faafiyay Ilhaan Cumar [Sawirro & Caddeyn]

Su’aalo badan oo laga iska weydiinayo laba guur oo u diiwaan gashan iyo mid la sheegay inay walaalkeed ku geysay dalka Mareykanka ayaa dhaliyay arrintan, waxaana ku soo biiray warbaahinta FOX oo ah mid caan ka ah dalka Mareykanka.

Jawaabaha ay fadeexada laga faafiyay ka bixiyeen Ilhaan iyo kooxda la shaqeysa ayay saxaafaddu sheegtay inay yihiin kuwo aad u yar, waxaana laga soo xigtay jawaabta soo socota:

“Warar aan sal lahayn, been abuur ah oo aan mudneyn in la sheego ayaa dhowaan laga faafiyay nolosheyda gaarka ah iyo tan qoyskeyga, aan idin caddeeyo: Waxba kama jiraan waan been”  ILHAAN CUMAR

Ilhaan waxaa sheekadan ku soo furay bog ay Soomaalida ku leedahay internetka, waxaana hadda ay xaaladu noqotay mid faraha ka baxday.

Su’aalaha la iska weydiinayo guurka gabadhan ayaa ah cidda sharciga ah ee hadda ah saygeeda, waxaana jira in laba guur ay u diiwaan gashan yihiin, tani oo keeni karta in xabsi 6 sanadood ah ay mudato iyo ganaax 10-kun doolar ah.

Sheekhada oo dhan halkan ka akhriso

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON