Sunday, July 13, 2025

Ilhaan Cumar oo lagu qaaday Weerar islaam-naceyb ah [Daawo Sawirro laga sameeyay..]

Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Somali, kana mida xubnaha cusub ee Koongareeska Mareykanka ayaa mar kale dhexda u ghashay Dood iyo Muran culus kadib markii Boor muslim-naceyb ah oo lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday magaalada Galbeedka Virginia oo ay dhigteen koox ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Sawirka muranka weyn dhaliyey ayaa lagu arkay xarunta baarlamaanka Xisbiga Jamhuuriga ee magaalada Charleston, waxaana uu ahaa sawirka Ilhaan oo ay ka dambeeyaan daarihii mataanaha ahaa ee New York oo gubanaya, iyadoo lagu dul qoray oraah uu micnaheedu ahaa: “Waligiin ha illoobina – ayaad dhahdeen. Aniga ayaa caddeyn ah – waad illowdeen”.

Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay sawirka looga dhigayo inay tahay argagixiso oo lagu la xiriirinayo weerararkii 2011; waxayna jawaabteeda ku sheegtay in sawirka noocan ah uu yahay sababta ay bartilmaameedka ugu ahayd halista. “La-yaab malaha inaan ku jiro liiska dadka “la doonayo in la dilo” ee kooxaha argagixisada ee gudaha ay raadsanayaan iyo waliba in qoraalkii kaalinta shidaalka lagu qoray ‘Ilhaan hala khaarajiyo”.

Ilhaan waxay hadalkeeda sii raacisay: “Wax kaleba iska daaye, siyaasiyiinta garabka Jamhuuriga ayaa magaalooyinka caasimadaha u ah gobollada kusoo bandhigaya sawir islaam-nacayb ah oo ila xiriirinaya argagixisada, mana jirto cid cambaareyneysa”.

Liiska dadka la doonayo in la dilo ee ay Ilhaan Cumar ka hadashay ayaa ku saabsan nin caddaan ah oo sida la sheegay si iskiis ah isku abaabulay. Ninkaas oo lagu magacaabo Christopher Paul Hasson yaa lagu soo warramay inuu heystay hub uuna qortay magacyada siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo uu doonayay inuu dilo, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar.

Siyaasiyiinta Jamhuuriga ee kasoo jeeda galbeedka Virginia ayaa sheegay in aysan taageerin hadal nacayb ah isla markaana ay qofkii sawirka meesha ku dhajiyay ka dabadeen inuu ka fujiyo. Sawirkan muranka dhaliyay ayaa lagu dhajiyay darbiga xarunta baarlamaanka siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee galbeedka Virginia.

Ilhaan Cumar oo arrintan ka carootay ayaa sheegtay in “Sawirkaas muslimiinta looga soo hor jeedo ee lagula xiriiriyay argagixisada” uu dhiirri galinayo handadaad iyo qalaalse ka dhan ah iyada.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON