Haweeneyda ka tirsan Koongareeska Mareykanka ee asalkeedu Soomaalida ah Ilhaan Cumar ayaa mar kale si weyn looga hadal hayaa dalka Mareykanka, kadib markii ay dood adag la gashay ergeyga uu Madaxweyne Trump u magacaabay dalka Venezuela.
Ergeygan oo lagu magacaabo Elliott Abrams ayaa hor tegay koongareeska Mareykanka Guddigiisa Arrimaha dibadda oo ay xubin ka tahay Ilhaan, waxaana halkaasi lagu weydiiyey su’aalo ku saabsan xilka loo magacaabay, laakiin waxaa warbaahinta Mareykanka ay si weyn u faafisay su’aalo adag oo Ilhaan Cumar ay weydiiyey Ergeyga Madaxweyme Trump oo sababay inuu ka caroodo Elliott Abrams, isla markaana diido inuu ka jawaabo su’aalaheeda.
Su’aaha Ilhaan ku halgaaday ergeyga oo Bishii Janaayo uu magacaabay Madaxweyne Trump ayaa salka ku hayey fadeexadiid Iran-Contra iyo doorkii uu ku lahaa dagaalkii sokeeye ee dalka El Salvador xilligaas oo uu qariyey warbixino ku saabsan tacadiyo ka dhacay dalka El Salvador.
Ilhaan Cumar ayaa tallaabadn qeyb ka noqotay iyadoo ay ku furan tahay weli kiis ku saabsan inay hadallo Yuhuud naceyb ah kasoo yeereen, taasoo xubno ka mida xisbiga Jamhuuriya ay olole ku hayaan si xilka looga casilo., waxaana muuqata inay sii wado soo jiidashada warbaahinta iyo ku lug yeelashada siyaasadda Mareykanka.
HOOS KA DAAWO DOODDA