Haweeneyda asalkeedu Soomaalida yahay ee ka tirsan Koongareeska Mareykanka Ilhaan Cumar aayaa sii wada inay abuurto xiisado warbaahineed oo si weyn looga hadal hayo dalka Mareykanka.
Ilhaan oo dhowaan ka badbaaday mooshin Aqalka Koongareeska la keenay si loo cambaareeyo hadallo Yuhuud naceyb ah oo lagu eedeeyay, kaasoo dood badan dhaliyey ayaa xisbigeeda Dimoqraadiga ku kala qeybsanay, waxaana qaraarka oo ujeedkiisu ahaa in magaceeda lagu qoro laguna cambaareeyo dadka Yuhuuda naceyb ayaa loo bedelay in la cambaareeyo dhammaan falalka jinsi naceybka ah oo Yuhuuda, Muslimka, Madowga iyo dadka kale lagula kaco markii ay taageero ka heshay kutlado ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga.
Laakiin Ilhaan Cumar ayaa mar kale laga hadal hayaa warbaahinta Mareykanka markii dood kale dhalisay, taasoo markan ku saabsan Madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama oo ahaa madaxdweyne kasoo jeeda xisbigeeda Dimuqraadiga, laba jeerna la doortay.
Ilhaan Cumar
Ilhaan waxay ku eedeysay Obama inuu ahaa nin laba wejiile ah oo dhoola-caddeeya, balse balse siyaasadihiisa ay ahaayeen inuu dad badan ku laayey diyaaradaha Drones-ka ah ee dalalka dunida uu u diray inay weerarro ka fuliyaan.
Wareysi ay siisay Majalladda Politico magazine ayey ku sheegtay inaysan waxba is-dhaamin Madaxweynihii hore ee Brack Obama iyo madaxweynaha xilligan ee Donald Trump.
Ilhaan Cumar ayaa u muuqata inay qeyb ka tahay dood siyaasadeed kasta oo ka socota Mareykanka, iyadoo aan la ogeyn cidda kula talisa inay sidaan u dhaqanto.