Sunday, July 27, 2025

Ilhan Cumar oo dowladda Soomaaliya ku eedeysay hanjabaad & xadgudubka xuquuqda Saxafiyiinta.

Haweeneyda Soomaaliyeed ee ka mida Koongareeska Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa dowladda Soomaaliya ku camaaabreysay ololaha iyo cagajugleynta ay ku heyso weriye Haaruun Macfruuf iyo xarigii C/casiis Gurbiye.

Qoraal ah soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in hanjabaadda iyo ololaha ay -Hay’adda NISA- ku heyso Weriye Haaruun Macruuf uu yahay Wax laga xumaado oo aan la aqbali karin.

“Weerarradaas iyo xariga Weriye Cabdicasiis Gurbiye isagoo ka hadlaya saameynta cudurka Covid19 ee Soomaaliya waa xadgub aan la aqbali karin oo ka dhan ah xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha” ayay qoraalkeeda ku tiri Ilhaan Cumar.

Dowladda Soomaaliya ayaa eedeyn kala duwan kala kulantay dowlado iyo shaqsiyaad magac leh iyadoo si weyn loogu cambaareeyay ololaheeda ka dhanka saxafiyiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON