Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Imaam cusub oo Beesha Abgaal yeelato, kadib khilaaf in muddo ah ka taagnaa xilkan dhaqan oo uu si KMG ah u hayey Imaam Maxamed Yuusuf.
Imaamka cusub ee maanta la caleemo saarayo ayaa Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxaana xafladda lagu caleemo saarayo ay ka dhaceysaa Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku sugan yihiin siyaasiyin iyo odayaal dhaqameed iyo qeybaha bulshada.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Qoyska leh Imaamnimada ay ku kala qeybsameen duubista Imaamka cusub, waxaana Muqdisho ka dhacay shirar kala duwan oo iska horjeeda, loogana hadlay qaabka duubista Imaamka cusub.
Imaamka maanta la caleemo saarayo ayaa ah wiil uu dhalay imaamkii hore ee Imaam Maxamuud Imaam Cumar, wuxuuna in muddo ah olole ugu jiray inuu xilka la wareego, taasoo aan suuragelin.
Waxay dhacdada maanta kusoo beegmeysaa iyadoo dalku gelayo doorasho, taasoo xaaladda uga sii dartay. Imaamka maanta la caleemo saarayo ayaa sidoo kale sanadkii 2016 sheegtay inuu la wareegay Imaamnimada Beesha, isagoo sheegay inuusan xilkaasi heyn karin adeerkiis Maxamed Yuusuf.
Imaamka maanta la caleemo saarayo ayaa waxaa ka horjeeda qeyb ka mida Qoyska Reer Imaam oo wata qorshe inuu xilka sii hayo Imaam Maxamed Yuusuf inta si loo dhan yahay laga duubayo imaamka.
Wiil uu dhalay Imaam Maxamuud oo la wareegay duubkii Imaamnimo ee Beesha Mudulood
Ololaha duubista imaamka cusub ayaa waxaa wada Cali Mahdi Maxamed, Muuse Suudi Yalaxow, odayaal dhaqan oo uu ka mid yahay C/llaahi Geedi Shadoor, waxaana la ogyahay inay odayaasha iyo siyaasiyiinta Beesha Mudullood ay hadda laba qeybood u qeybsameen.
Imaamka xilka sii haya Imaam Maxamed Yuusuf oo muddo 9 sano ah xilka si KMG ah u hayey ayaa taageero ka heysta duubabka Beesha Mudulood iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin: Cali Maxamed Geedi, wasiirada Beesha iyo xubno kale.

