Odayaasha Dhaqanka magaalada Muqdisho oo uu hoggaaimayo Imaam Maxamed Yuusuf ayaa farriimo iyo waanwaan nabadeed u kala qaaday Musharixiinta Madaxweynaha iyo Maxamed C/laahi Farmaajo.
Imaamka ayaa kulankiisii koowaad la yeeshay Musharixiinta ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore, kadibna waxay la kulmeen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kadibna kulan gaara la yeshay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble iyo Duqa Muqdisho, waxayna caawa dib ugu laabteen Musharixiinta oo xaruntoodu tahay Hotelka Maa’ida
Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Imaamka markii hore u yeeray Farmaajo, kadibna uu arrintan xalkeeda ku baxay. Farmaajo wuxuu la wadaagay Odayaasha Imaamku hoggaamineyay inuusan diidaneyn bannaanbax nabadeed, balse uu welwel ka qabo inuu qalalaase ka dhasho ama ay ku dhex dhuuntaan kooxo amni darro wada iyo caddowga argagixisada.
Farriintii Odayaasha ka qaadeen Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh iyo Musharixiinta kale ayaa ahayd inay bannaanbax nabadeed dhigayaan oo dhibaato ah aanay wadin, iyagoo beeniyey inuu bannaanbaxooda kusii jeedo Madaxtooyada oo dhinac kale loo sheegay.
Odayaasha ayaa kulankii Farmaajo ku muujiyey welwelka arrinta, kadib waanwaanta u xil saaray Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Kulankii dhex maray odayaasha iyo Rooble, Xasan Xundubey, Cumar Filish iyo xubno kale ayay caqabad kala kulmeen odayaasha, iyadoo xubnahan ay ka hor yimaadeen in bannaanbaxa uu dhaco, dood dheerna ay dhex martay Odayaasha uu Imaamku horkacayey.
Odayaasha uu hoggaaminayey Imaam Maxamed Yuusuf ayaa mar kale ku noqday Musharixiinta Madaxweynaha, waxayna gaarsiiyeen wixii ay kala kulmeen Farmaajo, Rooble, Cumar Filish iyo xubnaha kale; iyadoo ku adkeeyay inay si nabad ah u bannaanbaxaan.
Ergo cusub oo Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya u diray Musharixiinta ayaan wax horumar ah laga gaarin, iyadoo ay caqabadda ka imaaneyso xubnaha beelaha Hawiye ugu jira xukuumadda xilgaarsiinta.
Hadallo kasoo yeeray Cumar Filish iyo ku xigeenkiisa ayaa muujinaya inaysan weli qaaday talladii Odayaasha dhaqanka, iyagoo ku doodaya in dadku guryahooda joogaan; waxaana laga war sugayaa haddii ciidamadu is hortaagaan dadweynaha iyo in kale.
Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana meesha ka baxday xiisadii taagneyd oo inteeda badan ka socotay baraha bulshada, waxaana ciidamada labada dhinac ay yihiin kuwo goobaha ay ku sugan yihiin isla jooga oo wax dhibaato ah asan u dhaxeyn.