Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lacag gaareysa Hal Bilyan oo doolar (1000 Milyan oo doolar) ku taageeray Bankiga Dhexe ee Itoobiya, kadib booqasho uu Adis ababa ku tegay dalka Itoobiya shalay.
Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed, ahna amiirka Abu Dhabi, ayaa shalay booqasho rasmi ah ku tegay dalka Itoobiya, isagoo wadahadal la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Dr Abiy Ahmad Ali oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda Gobolka Geeska Afrika.
Kadib kulanka labada nin wuxuu Imaaraadku ku dhawaaqay in lacag dhan Hal bilyan oo doolar ay dhigi doonto maalmaha soo socda Bankiga dhexe ee Itoobiya, taasoo ujeedkeedu yahay in lagu yareeyo dhibaatada Itoobiya ka heysta lacagta adag ee ajnabiga ah oo ku yaraatay.
Warkan waxay wakaalada wararka Reuters kasoo xigtay Ahmed Shide oo ah madaxa xafiiska xiriirka dowladda ee xukuumadda Itoobiya. Imaaraadka ayaa isu dayaya inuu xiriir dhow la yeesho dowladda Itoobiya.