Thursday, June 26, 2025

Imaaraadka Carabta oo casuumaad u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo & Qorshaha cusub

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku sii jeedo dalka Imaaraadka Carabta.

Safarkan ayaa ka danbeeyay markii casuumaad rasmi ah Imaaraadka u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo, taasoo ka dambeysay safarkii uu dhowaan ku tegay Dalka Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo oo ku guuleystay inuu Sacuudiga ka helo dhaqaale hore looga xayiray oo dhan 50 Milyan oo Doolar, iyadoo aan waxba laga bedelin mowqifkii dowladda Soomaaliya ka qaadatay arrimaha Khaliifka, ayaa dhinaca kale Imaaraadka u yeeray Farmaajo si uu isla arrintaasi ugala hadlo.

Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay fasaxayaan dhaqaale loogu yaboohay Soomaaliya oo ay hore ugu heshiiyeen labada dhinac, balse ay soo dhex gashay xiisadda Khaliijka, lamase hubo in madaxweyne Farmaajo uu ka dalban doono Imaaraadka inay joojiso faragelinta ay ku heyso maamul Goboleedyada iyo lacagaha ay siiso madaxda maamulladaasi.

Socdaalka Farmaajo ee Imaaraadka oo ah kii labaad intii uu xilka qabtay ayaa ku soo beegmaya iyadoo mooshin ka dhan ah Imaaraadka uu horyaallo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON