Monday, June 23, 2025

Imaaraadka Carabta oo Gaadiid kala duwan iyo Qalab Ciidan ka rartay Saldhigoodii Ciidamada ee Muqdisho

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku jirta geedi ay uga baxeyso magaalada Muqdisho, iyadoo ka qaadaneysa gaadiid kala duwan iyo Qalab ciidan oo ka yaallay xerada tababarka ee Jen. Gordon, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Xerada Imaaraadka ayaa Galabta ilaa caawa waxaa ka baxayey Gaadiid ay ka mid yihiin; kuwa aanay rasaastu karin, Gawaarida Gaashaaman, Gawaari xamuul oo sida Konteenaro iyo Booyado iyo qalab kale, waxaana lagu daabulay xarunta Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho.

Imaaraadka ayaa joojiyay howshii milateri ee uu ka waday magaalada Muqdisho, waxaana Markab weyn ugu soo xirtay dekadda Muqdisho, iyadoo lagu wado in lagu raro gaadiidka iyo Qalabka ciidamada Imaaraadku adeegsan jireen.

Ad

Waxaa muuqata in dowladda Imaaraadka ay sii wadaan jawaabtii ay ka bixinayeen tallaabadii ay kula kacday dowladda Soomaaliya ee loogala wareegay lacag ku socotay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON