Tuesday, June 24, 2025

Imaaraadka Carabta oo u yeeratay Safiirkeedii Soomaaliya [Xiisad diblomaasiyadeed]

Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka carootay haddallo kasoo baxay dowladda Sooomaaliya oo ku saabsan heshiis ay saldhig milateri ku yeelaneyso magaalada Berbera.

Safiirka dib loogu yeertay ee Imaraadka Maxamed Alcusthmani ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Dubai, isagoo ka tegay magaalada Muqdisho oo maalmo kooban uu joogay kadib markii uu yimid caleemosaarkii madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Muranka ka taagan heshiiska saldhigga milateri ee Imaaraadku doonayo inuu ka sameysto magaalada Berbera ayaa keenay inuu xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxaana warar aan la xaqiijin sheegeen in dowladda Soomaaliya ay Sacuudiga ka codsatay dhexdhexaadin.

Waa isku dhicii ugu horeeyay ee diblomaasiyadeed ee dowladda uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ku lug yeelato, iyadoo Imaaraadku saameyn weyn ku leeyahay maamulada ka jira Soomaaliya.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegay in Safiirka Imaaraadka la bedelay, halka wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in arrintu tahay u yeerasho safiir oo dalalka dhex marta markii xiriirkoodu xumaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON