Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa war kasoo saartay shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo xukuumadda Soomaaliya ugu yeertay: “DOWLAD KMG AH”.
Qoraal kasoo abxay Wasaaradda Arimaha dibada Imaaraadka ayaa lagu sheegay inay aad uga welwelsan tahay xaalada sii xumaaneysa ee caasimadda Muqdisho, Soomaaliya, taasoo ka dhalatay in awood iyo dagaal oo adeegsado dad shacab ah.
“Waxaa ugu baaqeynaa dowladda KMG ah iyo dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, ayna xaqiijiyaan rajada dadka Soomaaliyeed ee mustaqal nabadeed” ayaa lagu yiri baaqa Wasaaraddda Arrimaha Dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta.
Imaaraadka wuxuu sii adkeeyay inuu taageerayo dhammaan dadaallada loogu jiro in la qabto doorashooyin ku dhaca xor iyo xalaal ah, lagunma qabto waqtigooda. waxayna dhammaan dhinacyada inay iska kaashaadan la-dagaalanka argagixisada.
War-saxaafadeedka Imaaraadka waxaa la dhex arrin oo aan hor loo arag, ayna la gaar noqotay oo kala ah inay iska hor imaadyadii ka dhacay Muqdisho 19-kii Febraayo ku tilmaantay in awood loo adeegsaday shacab iyo inay dowladda Soomaaliya ugu yeertay inay tahay ‘KUMEELGAAR’.

