Tuesday, June 24, 2025

Imaaraadka oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay ciidamadii ay Muqdisho ku tababartay [Sawirro]

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay ciidamo milateri oo Imaaraadka Carabta ku tababaray magaalada Muqdisho.

Munaasabad ka dhacday xarunta saldhigga ciidamadaasi ee Jen. Gordon magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgaleen Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Amed AlCusmani ayaa looga dhawaaqay in ciidamada oo gaaraya 400 askari ay dowladda Soomaaliya hoos tegi doonaan amarkooda.

Ciidamadan oo si fiican loo tababarray ayaa ahaa kuwo hoos taga Imaaraadka oo dowladda Soomaaliya aanay wax shaqo ah ku lahayn, waxayna dhowr jeer isku dhaceen ciidamada kale ee dowladda Soomaaliya.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay madaxda Imaaraadka ee Muqdisho ku tababaraya Ciidamada dowladda Federaalka ah.

SAWIRRO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON