Wednesday, June 25, 2025

Imaaraadka Carabta oo sii xoojisay Dagaalka Warbaahineed ee ay ku heyso Dowladaha Qatar iyo Soomaaliya

Waxaa mar kale sii xoogeystay dagaal warbaahineed oo ay Imaaraadka Carabta ku heyso dowladda Qatar iyo doorkeeda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale weerarku ku socdo dowladda Soomaaliya oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Imaaraadka ayaa dagaalka ugu weyni ka socdaa iyadoo maalin kasta soo qora warbixino iyo sawirro lagu weerarrayo Amiirka Qatar iyo kaalinta uu dalkiisa ku leeyahay Soomaaliya oo ay ku tilmaameen inuu ka abuuro argagixiso, una soo raro Daacish.

Wargeysyada rasmiga ah iyo baraha bulshada ku xiran websiteyo Imaaraadku u sameystay arrintan ayaa lagu qoray maqaalo fara badan oo ku saabsan in Dalka Qatar ay Soomaaliya  ka dhigtay goob argagixiso, waxayna mararka qaarkood gaartay in daraasado been abuur ah laga sameeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu ka talo qaato madaxda dalka Qatar, isagoo Soomaaliya ka dhigaya dal ka abaal dhacay taageeradii Imaaraadka u fidiyey Soomaaliya, waxaana weerarradaasi aan ka badbaadin agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa u muuqda inuu qaatay go’aan uu ku go’doominayo dowladda Soomaaliya, waxaa socda ololeyaal ana yareyn oo ku wajahan dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON