Tuesday, June 24, 2025

Imtixaanka Shahaadiga Dowladda ee 2017-2018 oo maanta ka bilowday Dalka & Kheyre oo furay

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, oo ay maanta u fariisteen 27,600 oo arday.

Dugsiga Sare ee 15-ka May oo ka mida xarumaha uu ka dhacayo imtixaanka una dhow xarunta Madaxtooyada ayaa si weyn loo adkeeyey amniga, waxaana kormeer ku tegay Ra’iisul wasaaraha dalka oo uu wehliyo Wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ra’iial Wasaaraha ayaa furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dowladda sanad dugsiyeedka 2017 / 2018 isagoo sheegay in waxbarashadu ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee horumarka daka, in wax la bartana ay astaan u tahay dib u dhiska dalka.

“Waxaan u mahad celinayaa Aabayaashii iyo Hooyooyinkii kasoo shaqeeyey in caruurtooda ay soo gaarsiiyaan halkaan, Inagana ka dowlad ahaan waxaan ku dadaali doonaa insha allh si arday walbo uu fursad u heli lahaa”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON