Waraka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in ugu yaraan 24 qof ay dhaawacmeen, kadib markii bamb gacmeed lagu tuurey masjidka weyn ee Anwar ee ku yaalla xaafadda Markaato ee caasimadda Itoobiya.
Mas’uuliyiinta dowladda, ayaa sheegay in aan cidna ku dhiman qaraxaasi ka sakow 24 qof ee dhaawacantay oo dhaawacyadoodu kala duwan yihiin.
Qaraxan, ayaa dhacay kadib salaaddii Jimcaha, xilli munaasabad ay ka socotay xarrunta masjidka. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado Masjid ku yaala magaalada Addis, iyadoo Itoobiya ay ku faanto inay ka hortagtay weeraro laga geysto gudaha dalkeeda.
Goobjooge.com