Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in waxyaabo qarxa iyo hub isugu jira lagu qabtay waqooyiga Itoobiya, siiba Gobolka Tigreega ee dalkaasi.
Mas’uuliyiin ku sugan gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in meel buundo ah hosteed ah ay ka heleen ilaa 425 alaadaha qarxa oo lagu qariyay halkaasi. Hubka iyo waxyaabaha qaraxa ayaa la sheegay in la qorsheyanayay in loo daabulo caasimmada gobolka Tigreega ee Mekele.
Ma cadda waxaa la doonayay in loo adeegsado waxyaabahan qarxa. Tirada bulshada qowmiyadda Tigreega ah ayaa ah mid yar dalka Itoobiya marka loo barbardhigo bulshooyinka kale, laakiin xisbiga Tigreega ee TPLF ayaa muddo tobbonaan sanno ah hoggaaminayay dalka Itoobiya iyadoo uu hadda ka xun yahay jidka ay Itoobiya ku socoto iyo hoggaanka cusub ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo kasoo jeeda Oromoda.