Tuesday, July 15, 2025

In ka badan 60 Sarkaal oo oo lagu xiray Itoobiya & Saraakiil Sirdoon oo Qarax u abaabula Abiy Ahmed

Xukuumada Itoobiya ee  uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa xabsiga dhigtay in ka badan 60 sarkaal oo ka tirsan Milatariga iyo Sirdoonka dalkasi oo lagu eedeeyay dembiyo kala duwan.

Saraakiishan ayaa lagu xir-xiray olole cusub oo xukuumadda dalkaasi ku qaaday saraakiil ku eedeysan denbiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo musuqmaasuq muddo dheer ay faraha kula jireen.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya Berhanu Tsegaye oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa aya faafhaahin ka bixiyey xariga saraakiishaasi iyo ololaha ka dhanka ah mas’uuliyiintii hore ee dalkaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in weerarkii lagu qarxiyey isu soo bixii ka dhacay magaalada Addis ababa ee uu ku sugnaa Abiy Ahmed ay ka dambeeyeen saraakiil hore oo ka tirsan Hay’adda sirdoonka Itoobiya (National Intelligence and Security Service (NISS), iyadoo baaritaan ku socdo.

Xarigaan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay isbadalada siyaasadeed ee ka hana qaaday dalkaas tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’isul wasaare Abiye Axmed. segaye ayaa xaqiijiay in 27 ka mid ah saraakiishan loo heesto falal musuq maasuq,halka 36 ka mid ah lagu eedeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Eedeysanayaashan oo magacadooda la shaacin ayaa xirnaaan doona ilaa iyo inta la cadeynayo danbiyada loo heesto sida uu xaqiijiay Mr Tsegaye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON